Daawo nin gaaban oo 72 sano jir ah oo dhererkiisu yahay 54,6 culeyskiisuna yahay 12 kg oo loo aqoonsaday ninka aduunka ugu gaban…

Bahadur:(SIC)-Nin u dhashay dalkaas Nepal ayaa waxaa la sheegay inuu noqdey oo loo aqoonsadey ninka aduunka ugu gaaban iyadoona ninkaas laga diiwaan geliyey buuga lagu qoro rikoorada adduunke ee Guinness Book of World Records inuu yahay ninka adduunka ugu gaaban.
Ninkaan oo lagu magacaabo Chandra Bahadur Dangi oo 72 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu dhererkiisu yahay 54,6 oo keliya culeyskiisuna uu yahay ilaa iyo 12 kg iyadoona taasi ay ninkaan ka dhigeyso inuu yahay ninka ugu gaaban dunidaan, Sidoo kale ayaa waxaa la sheegay in ninkaan loo aqoonsadey inuu yahay qofkii ugu gaabnaa abid ee la cabiro dhererkiisa iyadoona uu horey u ahaan jirey nin u dhashay dalkaas Hindiya oo geeriyooday sanadkii 1997 laguna magacaabi jirey Gul Mohammed kaas oo uu dhererkiisu ahaa 57 centimeter, sidaas awgeed ayaa ninkaasi waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyey labadaas aqoonsi, Ninkaan Nepaleeska ah oo aan horey loo aqoon jiritaankiisa maadaama uu ku noolaa baadiyaha dalkaas Nepal ayaa waxaa uu jagadaas kala wareegay nin u dhashay dalkaas Philipine oo lagu magacaabo Junrey Balawing oo uu dhererkiisu yahay 59,93 centimeter,

Ugu dambeyntiina iyadoo aysan jirin cid taqaaney ninkaan todobaadyo ka hor oo uuna soo shaac baxay dhawaantaan asagoona ku noolaa tuulo lagu magacaabo Rhimkholi oo ilaa iyo 400 km xaga galbeed kaga aadan caasimada dalkaas Nepal ee Kathmandu ayaan waxaa wali la aqoon sababta uu ninkaan sidaas ugu gaabtey iyo inay ku timid arimo la xiriiro caafimaadkiisa maadaama uusan ninkaan waligiis la kulmin wax dhaqtar oo baaritaan ku sameeyey sababta uu koriinkiisu u istaagey, islamarkaana siday sheegeen qoyskiisu uusan ninkaan lahayn wax xanuun ah, ninkaan walaalihiis ayaa waxay yihiin dhamaantood dad caadi ah oo aan u gaabneyn sida ninkaan oo kale, ninkaan ayaa waxaa uu sheegay inuu doonaay inuu ka faa’iideysto jaaniskaan asagoona rajeynaayo inuu ku soo wareego dalalka aduunka.

Hoos ka daawo Muuqaalka ninkaas )

Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *